|

Daawo:-Afhayeenka Ciidamadda Puntland oo u jawaabay Wasiir Koore iyo Indha indho-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Afhayeenka Ciidanka difaaca maamulka Puntland Korneyl Maxamuud Axmed (Gubadle) oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyay eedeymo ay xubno ka tirsan Soomaliland ay u jeediyeen Puntland ka dib shil gaadhi oo uu ku dhintey sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Soomaliland gaar ahaan Ciidanka aaga Taleex oo Habeen sii horaysay ka dhacay aaga u dhaxeeya tuuladda Geed-Qaboobe iyo Deegaanka Tukaraq oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan Maamulada Soomaliland iyo Puntland kuwaas oo hore halkaas dagaalo khadhaadh ugu dhex mareen.

Korneyl Gubadle ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay shilka gaadhigii ay la socdeen A.U.N Taliyihii Ciidanka Degmada Taleex ee Soomaliland iyo Masuuliyiin kale oo xilal ka haya isla maamulka Soomaliland, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay Puntland ee ah in ay dilka Taliyaha gaysteen.

Wuxuu sheegay dhibaatada shilkaas kasoo gaadhey xubno ka tirsan maamulka Soomaliland inay sabab u ahayd ka dib markii uu Qalibmay Baabuur ay la socdeen oo qaab haboow ama diyow ah si kedis ah uga soo dul dhacay mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland ay ku leeyihiin aaga deegaanka Tukaraqee Gobalkaa Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Afhayeenka u hadlay Ciidamadda Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Wasiirka Biyaha Soomaliland Saleebaan Cali Koore iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Soomaliland kuwo fidmo iyo isku dir in muddo ah ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna dusha u saarey inay masuul ka ahaayeen xubnahaasi falal lid ku ah amniga iyo dilal kala duwan oo lagu khaarajiyay waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sool gaar ahaan Laascanood.

Jawaabta afhayeenka Ciidanka maamulka Puntland waxay timid ka dib markey ku eedeeyeen xubno xilal ka haya Somaliland cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland inay rasaas ku dileen sarkaal dhintey iyo dhaawaca gudoomiye ka tirsan Somaliland kasoo gaadhey gaari ku gadoomay habeen ka hor Aaga deegaanka Tukaraq oo weli ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64737

Posted by on Jul 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...