|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo Turkiga uga qayb galaya Caleema saarka Madaxweynaha Turkiga-Video

Muqdisho ( Horufadhi News ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaadhay magaalada Ankara halkaas oo  lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

“Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64666

Posted by on Jul 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...