|

Daawo:-Col. Jibriil Maxamed Yuusuf oo sheegay in uu Garoowe u yimid Difaaca Puntland-Video

Garoowe ( Horufadhi News)-Magaaladda Garoowe waxaa soo gaadhay Col. Jibriil Maxamed Yuusuf oo kamid ah masuuliyiinta isu soo taagay xilka Madaxweynaha doorashadda Sanadka 2019 ee Puntland.

Jibriil waxaa uu hadal kooban ka jeediyey fagaaraha weyn ee magaaladda (Barxadda) waxaana uu sheegay in Puntland dhidibada loo tagay kadib markii ay dhacday dowladii dhexe ee soomaaliya, Xilligaasoo ay si wada jir ah ugu guntadeen Isimada dhaqanka oo kaashanaya Shacabka iyo waxgaradka reer Puntland gudaha iyo dibada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Jibriil inkastoo uu hore ugu dhawaaqay inuu yahay musharax,hadana maanta kama uusan hadlin arinta musharaxnimadiisa ,waxaase uu ujeedka socdaalkiisa ku sheegay in ay ugu muhiimsantahay kaqaybqadashadda difaaca dhulka Puntland ” Halkaan waxaan u imid difaaca, difaaca dhulka Puntlandna waa muqadas inoo wada yaal, Hala Ilaaliyo Midnimada Soomaaliya iyo Jiritaanka Puntland” Col, Jibriil Maxamed Yuusuf.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64645

Posted by on Jul 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.