|

Beesha Caalamka oo Puntland iyo Soomaliland kala hadashay xaalada Deegaanka Tukaraq-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-Wafdi ka socda Beesha caalamka ayaa Puntland iyo Soomaliland kala hadlay xaalada colaadeed ee Deegaanka Tukaraq iyo maxaabiistii dhawaan lagu kala qabsaday dagaaladii khadhaadhaa ee halkaas ka dhacay kuwaas oo u dhaxeeyay labada Maamul Gobaleed.

Wafdi balaadhan oo ka socday gudiga Laanqeyrta Cas (ICRC) oo uu Hoggaaminayey madaxa Soomaaliya Mr. Simon Brooks ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka Soomaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo xaalada maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii dhacay, sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaliland goor aan sidaas u fogayn.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaliland mar uu ka jawaabayey qodob ay ka hadleen wafdigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tukaraq, uu sheegay in uu soo dhaweynayo xabbad joojin la sameeyo,uuna kamid yahay qodobadii Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Soomaliland-na ay aqbashay

Dhanka kale wafdiga uu Hogaaminyo madaxa Laanqeyrta Cas ee Soomaaliya ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha Maamulka  Puntland Cabdiwali Gaas, iyagoo ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa xaalada colaadeed ee Tukaraq iyo maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii halkaas ka dhacay ee dhexmaray Puntland iyo Somaliland, inkastoo war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay in kulankaas looga hadlay arrimo bini’aadanimo.

Deegaanka Tukaraq ayaa hadda laga cabsi qabaa dagaal mar kale ku dhexmara Puntland iyo Soomaliland oo isku haya gacan ku haynta gobolka Sool, iyadoo labada dhinacba ay maalmihii u danbeeyay Ciidamo hor leh ku daabulayeen deegaankaas.

Dhanka kale waxaa baaqday safar Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi 1-dii Bishan July ku tagi lahaa meelo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan degmada Ceel-afweyn iyo Tukaraq oo la sheegay in uu booqan lahaa Ciidamada halkaas ka jooga, lamana oga sababaha baajiyay safarka Biixi.

Hay’adda xasaradaha Adduunka ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay kaga digtay dagaal dhexmara Puntland iyo somaliland, iyadoo hogaamiyaasha Afriga, kuwa reer galbeedka, hawlgalka AMISOM, Itoobiya, Imaaraadka iyo deeq bixiyayaasha caalamka ka codsatay in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo iska hor imaadka labada dhinac.

Wararkan iska soo daba dhacaya iyo waan waantan Beesha Caalamka ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jiraan warar hoose oo ay helayso Shabakadda Horufadhi News kaas oo ah in laga cabsi qabo in Dagaal culus ka dhaco Tukaraq inta lagu jiro isbuucan wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in ay Puntland dhankeeda diyaar garow xoog leh u gashay sidii ay dagaalkan ugu qaadi lahayd Somaliland halka Somaliland iyana dhankeeda aad isku diyaarinayso maalin kastana waxaa jiida labada ciidan soo gaadhaya Boqolaal ciidan gurmad ah iyo Calaf xoolaad oo lixaad leh.

Horufadhi News.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64473

Posted by on Jul 4 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Beesha Caalamka oo Puntland iyo Soomaliland kala hadashay xaalada Deegaanka Tukaraq-Akhriso”

  1. Sida ka muuqata maqaalkan, warsaxaafadeedka Somaliland wuxu sheegaya in hay’adaha caalamka ay ka wada hadleen Somaliand xabab joogin ka dhacda aaga laysku horfadhiyo ee TUKARAQ. Warsaxaafadeedka Puntland, waxa lagu sheegay in Madaxda Puntland iyo weftigu hay’adaha caalamku ka wada hadleen “Arrimo Bani’aadminimo”.

    Waxa halkaas ka muuqata in madaxda Maamulka Puntland ayan dadka run u sheegin, si ay u sii waddo jaahwareerinta ay ku hayso dadka ay abaabusho ee dhegeysta wararkeeda. Haddaba, Puntland dagaal kuma jirto. Dadka reer SSC ee aghoganaya Puntland waxa la gudboon in ay danahooda qabsadaan oo ka agdareeraan madaxda Puntland ee ka aradan xagga dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...