|

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu dib u soo celinayo wada hadaladii Maamulka Soomaliland-Video

Muqdisho ( Horufadhi News) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayuu sheegay in Somaliland ay yihiin dad walaalo ah, balse duruufo iyo dhib badan soo maray.

“Somaliland waa dad walaalaheena, duruufo iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu nakala qeybiyo, dowladdan diyaar u tahay wada hadaladii soo celiso”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlayay ayaa yiri “Dowladda waxay diyaar u tahay inay wada hadaladii soo celiso, inay si wanaagsan oo run ah oo xaqiiq loo wada fariisto Somaliland kalama maaranto, waa dad walaalo ah, waa dad wax walba aan wadaagno inaan umadda soomaaliyeed isku soo celino oo isku soo dunno oo walaaleyno ayaa qof walba oo Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta ay waajib ka saaran tahay”

Soomaaliya nabad u baahan tahay, waxaa leeyahay arrimaha Tukaraq ka socda dadka soomaaliyeed dhiiggooda ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil soomaaliyeed, wh

Waxaa uu sheegay in wada hadaladaas ay rajeynayaan in si kasta oo kalsooni lagu gelin karo ay sameyn doonaan, maadaama ay yihiin garab ka maqan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo Colaada Tukaraq iyo dhiigga ku daadanaya, isagoo xusay in Soomaaliya xilligan u baahan tahay Nabad.

Wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakaday xilligii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh, waxaana tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo qabsoomin wax wada hadal ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64340

Posted by on Jul 1 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu dib u soo celinayo wada hadaladii Maamulka Soomaliland-Video”

  1. Bismillaah
    M/weyne Farmaajo, ma Isaaq qudha ayuu u yaqaan Waqooyi(Somaliland). Haddii Isaaqu keligood hore uga cawdeen koonfur, run ahaantii waa in reer waqooyinimo xaqii ku maqnaa, lagu wada doonto, Somalina la isku hayo. Waayo inta Somalidu degto dhul ahaan iyo badda ku xeeran, waxa ka buuxa Oil & Gas iyo wax kaloo badan. Somaliya waxay u baahan tahay in madax aan ka shaqaysan oo u shaqaysa, tuugna ahayn ay hogaanka u qabtaan, waxa Alle siiyeyna si cadaalad loo gaadhsiiyo, degelkan waa janno, wax walba laga heli karo, dadkii lahaa ay ka caddaaban yihiin maanta, Dhulalka qaar cunto la`aan, biyo la`aan, Nabad la`aan, caddaalad la`aan, maamul laàan.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...