|

Soomaliland oo war cusub ka soo saartay waxay ka damacsan tahay Dagaalka Tukaraq-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)– Kulan ay madaxtooyada Maamulka Soomaliland ee Hargeysa maanta ku yeesheen xubnaha Golaha wasiirada maamulkaas, ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Soomaliland iyo Puntland.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Soomaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxana lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka Maamulka Soomaliland sida ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay.

“Qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga Soomaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaliland.

Puntland ayaa dhowaanahan ku hanjabeysay inay xoog ku qabsan doonto Tukaraq iyo guud ahan Gobalka Sool isla markaana ay Soomaliland ka xoreen doonto Ciidankeeda.

Sidoo kale waxa uu shirka lagu  caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso muhiiim nabada iyo deganaanshaha.

Hadalka kasoo baxay Soomaliland ayaa imanaya ayada oo maanta hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha ee ICG ay sheegtay in dagaal kale oo ka dhaca Tukaraq ay si aad ah suurto-gal u tahay,waxaana ay ka digtay ICG Cawaaqib xumada ka dhalan karta dagaal faraha la iskula tago oo halkaas ka dhaca isla markaana daba dheeraada.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64282

Posted by on Jun 28 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok
  • Turab: Bismillaah Hey`adan, waxan ay iska qortay, xaga Somaliya 99.9% waa mala awaal. Ilaa dawladii Carta, waa...