|

Dagaal culus oo ka dhex Qarxa markale Maamulada Puntland iyo Soomaliland oo laga digay-Akhriso

Laascaanood  ( Horufadhi News)-Warbixin ay soo saartay hey’adda xasaradaha aduunka International Crisis Group  ee loo soo gaabiyo (ICG) ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo dagaal markale ka dhex qarxa maamulada Puntland iyo Somaliland kuwaasoo isku haya gacan ku haynta deegaano kamid ah gobolka Sool.

Warbixinta ayaa qortay in madaxda labada maamul ay sare u qaadeen lahjadooda dagaal iyo hadalada xanafta leh ee ay hawada isku marinayaan isla markaana ay  ka dhaga-fureysteen waan-waan lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada dagaal ee u dhexeysa.

Ismari-waaga u dhexeeya labada dhinac ayay warbxintu sheegtay in uu marayo heerkii ugu xumaa abid, kadib markii labada maamul ay ciidamo hor leh ku daabuleen meel udhow deegaanka Tukaraq oo ah halka lagu dagaalamayo.

Iska hor-imaad dhexmara Puntland iyo Somaliland ayay warbixintu sheegtay in uu yeelan doono cawaaqib xumo ku timaada dhinaca waqooyi sidoo kalena daganaanshiyo la’aan u keenta dalka intiisa kale..

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dagaal dhexmara labada dhinac ay fursad u noqon doonto ururka Al-shabaab iyo Daacishta ka dagaalanta Puntland kuwaasoo khalkhal gelin kara amniga xili buuraleyda galgala ee Puntland ay ku dhuumaa-leysanayaan dagaalamayaal ka tirsan labada dhinac” waa sida lagu yiri warbixinta.

Hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka, kuwa Afrika,Hawlgalka QM ee Soomaaliya, Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Deeq bixiyeyaasha caalamka ayay warbxintu sheegtay in laga doonayo inay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo colaada.

Gaba gabada ayaa warbixintu sheegtay in dagaal la galaa uu khasaaro badan keenayo kaasoo hurin kara colaada sano jirsatay ee u dhexeysa labada maamul.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=64262

Posted by on Jun 28 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.