|

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Hadlay Qaabka lagu xalin karo Xiisada Tukaraq-Akhriso

Muqdisho ( Horufadhi News)- Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Soo bandhigay Qaabka lagu Xalin karo Xiisada Colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool.

“Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1. Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.
2. In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3. Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah o oka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5. Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

— DHAMMAAD —

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63894

Posted by on Jun 21 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Xasan Sheekh Maxamuud oo ka Hadlay Qaabka lagu xalin karo Xiisada Tukaraq-Akhriso”

  1. Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga
    Somalidu waxay tidhaahdaa nun waliba waxii dhibay dhafoorkay uga taalaa

  2. Wuu quudhi waayey inuu dhaho dadka deegaanka iska leh ha loo daayo waa dadka masiibadan ka danbeeya

  3. NCAS ! Marku madaxweynaha ahaa wuu u quudhi waayey inuu yidhaahdo dadka dhulka iska leh ayaa ka tallin kara. Ujeedadiisu waa Puntland iyo Somaliland ha ka wada hadleen dhul dad kale. Waar dhulka waxa iska leh oo u soo hadaafaysa: Khatumo State.

  4. Waa runtii waxuu arkay dhulka inaan cidi lahayn oo cido kale sheegayaan. .maxaad u la yaabaysaan isaga…

  5. Abdi ileen waxaad ahayd khaatumo seeg cali khalif xagay ka soo hadaafaysaa khaatumo waa tan hoos fadhida iidoor oo la leeyahay xafladaha hadalka ha badin cali ma kuwaas ayaa cid xoraynaya idinkii ayaa ah la haystayaal hargaysa bariis sidii riyihii marabida ahaa waar iska aamu khaatumo lahayn naago iidoor guursaday ayaad tiheen oo maalin walba baryootamaya oo leh waa nala la hadli waayey waa 8 bilood inta uu fadhiyo Cali Khalif hargaysa waxaa lagu maa weeliya xafladaha iidoorka oo la yirahdaa noo ducee ha ku cirad qaato ina adeerkiis Axmed Cabdi Xaabsade markay ka gaadheen dantii ay ka lahaayeen ayey banaaka u tuudheen manta isaga oo gablan ah ayuu joogaa garoowe Calina taas ayaa u dambayn doonta sida ina xaabsade.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...