|

Haweeneydi u horeysay oo Taliye looga dhigay mid ka mid ah Saldhigyada Booliska Muqdisho-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ka hawlgalada saldhigyada Magaalada Muqdisho iyadoo markii ugu horeysay taliye saldhig ay ka noqotay mid kamid ah saldhigyada  Booliska gobolka Banaadir.

Gen. Bashiir ayaa saldhigayada qaar u magacaabay Taliyeyaal cusub, halka qaar kalena isku shaandheyn lagu sameeyay oo la isku bedelay sida lagu sheegay qoraal  ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska.

Saldhigga Booliska degmada Shingaani ayaa loo magacaabay sarkaal haween ah oo lagu magacaabo Raxma Salaad taasoo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay ruux dumar ah taliye saldhig noqoto.

Magacyada Taliyayaasha cusub iyo degmooyinka loo kala magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Taliyeyaashan cusub ee loo magacaabay qaar ka tirsan saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaradii wax baratay ee ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63866

Posted by on Jun 21 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...