|

Daawo:-Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxwayne Farmaajo oo gaadhay Itoobiya-Video

Muqdisho ( Horufadhi News) -Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta ka qeyb galaya shir aan caadi aheyn oo Madaxda Urur goboleedka IGAD ka yeelanayaan Colaada dalka Koofurta Sudan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu inta uu socdo shirkaas kulamo gaar gaar la qaadan doono Madaxda Gobolka, oo ay ka wada hadlayaan xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa waxyaabihii ka dhaqan galay heshiiskii xabad joojinta iyo dadaaladii nabadeed ee Urur Goboleedka IGAD uu waday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinacyada isku haya colaada Koofurta Sudan ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida Madaxweyne Salva Kiir iyo xubnaha mucaaradka ah.

Koofurta Sudan ayaa waxaa ka socday dagaalo tan iyo dhamaadkii sanadkii 2013-dii, waxaana dhowr jeer oo hore lagu guuldareystay in xal laga gaaro colaada u dhaxeysa dhinacyada isku haya loolanka xukunka dalkaas oo sanadkii 2011 noqday dal madax banaan, kaddib markii uu ka go’ay Sudan inteeda kale.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63898

Posted by on Jun 21 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...