|

Daawo:-Soomaliland oo Siyaasadaysay Gabdho isku dilay Garoowe iyo Waalidka Gabdhaha dhalay oo ka hadlay-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Odoyaal iyo waalidiin  heyb Qoys la wadaaga labo Gabdhood oo maalmo ka hor gacan ka hadal ku dhexmarey magaalada Garoowe ayaa shir Saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Laascaanood waxay ku beeniyeen war kasoo yeedhay xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku eedeeyay Puntland dhaawac mindi/toori oo loo geystey Gabadh lagu magacaabo Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka lagu daaweynayo Hospital ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaliland.

Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan oo kasoo dhex muuqday Odoyaasha la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo Soomaliland u jeedisay maamulka Puntland, wuxuuna sheegay dhaawaca Gabadhiisa Canab inay u geysatey Gabadh kale oo ay ehel wadaag yihiin ka dib dagaal labada Gabdhood iskood u dhexmarey.

“Gabadheydu Garoowe ayay deganayd, waxayna isku dhaceen Gabadh kale oo ay Xaafad ku wada jireen,ma ahayn dhacdadaasi wax maamulo iyo siyaasad kasoo jeeda, Sidaas darteed waxba kama jiraan waa been wararka ay buunbuuniyeen masuuliyiin xilal ka haya maamulka Somaliland”  Ayuu yidhi Cali Xaaji Aadan oo ah Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shir Saxaafadeedka qaar ka mid ah waalidiinta Gabadha nabarka u geysatey Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka dhaawaceeda lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Hargeysa, waxayna sheegeen in si ka duwan sidey wax u dhaceen uu uga warbixiyay maamulka Gobolka Sool ee Somaliland iyo masuuliyiin xilal sarre ka haya Somaliland,islamarkaana ay siyaasadeeyeen dhacdada hablo ood-wadaagta ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Gabdhahaasi Guri bey wada deganaayeen, Ilmo adeer bey ahaayeen, Caruur baa iska laysay oo wey isku yara xanaaqeen dhibaataduna sidaas bey u dhacdey, waxaasna hadda umaba aragno anagu wax dhacey-ba inay yihiin” Ayuu yidhi Maxamed Xaaji Jaamac (Dayax) oo sheegay inuu Awoowe u yahay Gabadha dhaawaca gaarsiisay Canab Cali Xaaji Aadan.

Dhacadan ayaa maalmahan aad looga hadal hayey warbaahinta gaar ahaan Baraha Bulshada kadib markii Mamulka Soomaliland ee Gobalka Sool gaar ahaan Gudoomiyaha Gobalka Sool  uu Puntland ku eedeeyay in ay arrintan ka dambeeyeen taas oo aad loogu dhaliilay Gudoomiyaha Gobalka Sool isla markaana wuxuu kala kulmay Cambaareyn xoogan oo dhanka Bulshada iyo waxgaradka ah.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63873

Posted by on Jun 21 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...