|

Daawo:-Mucaaradka Soomaliland oo sheegay in Heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya halis ku yahay-Video

Hargeysa (Horufadhi News) – Iyadoo Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen Heshiisyo ka kooban 16 qodob oo dhigaaya maalgashiga Dekadaha ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee maamulka Somaliland Cdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu halis ku yahay Somaliland.

Cirro, waxa uu sheegay in maamulka Kulmiye ee haya talada Somaliland laga doonaayo in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu ka jaahil bixiyo Siyaasiyiinta iyo shacabka.

Cirro waxa uu tilmaamay inay ka warheleen warar sheegaya in Dekaddaha ay labada dhinac ku heshiiyeen ay qeyb ka tahay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

‘’Muuse Biixi waa inuu ka jawaaba in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu saameyn ku yeelanaayo Dekadda Berbera, waxaanu maqalnay inaanu ku jirno Heshiiska taasi jaahil bixinteeda waxaan uga fadhinaa Biixi’’

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cirro, waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay  haddii ay dhacdo in Dekadda Berbera ay ku heshiiyaan Somalia iyo Ethiopia, waxa uuna Heshiiska noocaasi ku sheegay mid muujinaaya in Somaliland ay hoostagto Somalia.

Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland ay hoos uga dhacday maqaamkii ay ka taagneyd dhanka Beesha Caalamka, waxa uuna dusha ka saaray xisbiga Kulmiye oo haya talada Somaliland.

‘’Waa sax in Somaliland ay hoos uga dhacday halkii ay horay u taagneyd, waxaa talada haya shaqsiyaad aan u caabooneen isbedel waa inaanu helnaa talaabo aan ku xajisankarno maqaamkeena’’

‘’Waxaan dareemayaa in Somaliland aysan ku baraarugin Heshiiska Somalia iyo Ethiopia, waa inaanu helnaa xaqiiqda Heshiiska suuragal maaha in Dekadda Berbera lala baalmaro Somaliland’’

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Hoggaamiye Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka jawaabo Heshiiska, isagoo jawaab la’aanta ku micneeyay raali ka ahaanshiyaha Heshiiska.

Dhinaca kale, Heshiiska labada dal ayaa waxaa kamid ahaa maalgashiga afar Dekadood oo ku jirta gacanta dowlada Somalia, kuwaa oo aan weli la micneen.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63706

Posted by on Jun 19 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...