|

Daawo:-Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa uu dhaawacayaa Madax banaanida Dalka-Video

Muqdisho (Horufadhi News) – War Murtiyeed ay si wada jirka ah u soo saareen hogaamiyaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Etiboobiya ayay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen maalgelinta 4 dekadood, furashada qunsuliyado iyo sii wadista heshiisyadii hore ee jiray.

Hadaba maxay yihiin Heshiisyada jiray oo lagu xusay war murtiyeedka, maxay ka dhigantahay maalgashiga Dekadaha iyo furashada qunsuliyado – su’aalahaas ayaa VOA weydiisay Dr Axmed Maxamed Kheyre oo shahaadada PHD ka haysta Qawaaniinta Caalamiga ah.

Dr. Axmed Maxamed ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiska labada dowladood qodobada uu ka koobnaa ay jiraan qodobo u baahnaa in la fasiro lana caddeeyo ujeedka laga leeyahay, isagoo sii raaciyey inay jiraan kuwa kale oo dhalinayo su’aalo badan,

Sidoo kale Dr. ayaa sheegay inay isaga la tahay inay heshiiskaas ku jiraan qodobo kale oo qatar ku noqon kara Madaxbanaanida Soomaaliya isla markaasa uu mid mid u kor istaagayo.

Ugu horreyntii wuxuu sheegay in heshiisyada hadda la kala saxiixday ay daba socdaan safar hore oo uu   Farmaajo ku tagay Adis Ababa 3- 5 Bishii March sanadkii 2017, kulankaas waxaa laga soo saaray war murtiyeed, war murtiyeedkaas waxaa kamid ahaa inay labada dal isku raaceen in la hirgeliyo heshiisyadii hore ee la saxiixday, lana dardargeliyo nidaamyadii iskaashiga ay jiray.

Dr. Axmed ayaa tilmaamay inaan la caddeyn heshiisyadaas cidda lala galay isagoo yiri “ Ma heshiisyadii dowladihii hore galeenaa, ma heshiisyo Maamul Goboleedyada galeenaa, mise waa heshiisyo ay galeen hoggaamiye kooxeedyadii lama caddeyn, marka laga hadlayo arrimaha caalamiga waxaa muhiim in la caddeyo waxa laga hadlayo iyo waxa laga heshiinayo, iyadoo aan intaas la caddeyn ayaana la sameeyey guddi heer sare ah labada dhinac ah oo heshiisyada dhameystira.

Dr. Axmed oo sii hadlayey ayaa yiri “ marka aad u timaado, war muriyeedka ay labada hoggaamiye soo sareen, waxaa ku jiro qodob arrintaas xoojinayo ama daba socdo, tusaale ahaan qodobka seddedxaad ee heshiiska ku jiro ayaa ah  3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh. Marka midda in la caddeeyo u baahan waa heshiisyadaas waxa ay yihiin iyo cidda lala galay”

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dr. Axmed ayaa dowladda iyo Baarlamaanka ugu baaqay inay dib ugu noqdaan heshiisyadaas waxa ay yihiin iyo cidda lala galay si looga fiirsado go’aanada ay qaadanayaan labadada guddii ee la sameeyey si looga fogaado in la saxiixo heshiisyo dalka wax dhimayo.

Wuxuu ka digay inay soo bixi karaan heshiisyo halis ah oo ay saxiixeen hoggaamiye kooxeedyadii, Maamul Goboleedyada iyo dowladihii hore ee midaan madaxweyne Farmaajo kaga horreeyey xukunka.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63678

Posted by on Jun 18 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.