|

Daawo:-Garaad Saleebaan oo sheegay inaysan shirkadda Dahabshiil qayb ka ahayn colaada ka taagan Gobalka Sool-Video

Laascaanood (Horuadhi News)-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa sheegay inay wada hadleen isaga iyo Mulkiilaha shirkada Dahabshiil Xaaji Maxamed Siciid Ducaalle isla markaana uu u cadeeyey inaysan shirkadiisu wax siyaasad , colaad iyo hurintoona aysan ku jirin, Garaadku wuxuu sheegay in loo kaadiyo arimahaas oo weliba beelaha Harti iyo Daarood ay ku qancaan Dhaarta ah inaysan shirkaadaasi arimahaas qayb ka ahayn.

HALKAN KA DAAWO HADALKA GARAADKA…..

Shirkada Dahabshiil ayaa in badan iska fogeysey inay galaan arimaha siyaasada ee deegaamada Soomaalida ka jira, waxaana warbixino badan oo baadhitaano ah oo la sameeyey dhamanatood lagu ogaadey inaysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in shirkadaas iyo Mulkiilaheedabu ay galeen falal noocaas ah, balse shakhsiyaad dano leh ay bulshada SSC dhawr jeer kaga faa’ideysteen warar la soo  maleegay oo dhamaantood noqoday kuwa aan Sal iyo raad toona lahayn markii la baadhay.

Madaxda dhaqanka ee Garaad Saleemaan Garaad Maxamed ka mid yahayna weligood kumaysan Eedeyn ariahaas shirkada, hadalka hada ee Garaadkana waxa keenay ka dib markii la sheegay in dad ka soojeeda beesha Majeerteen iyo xubno kale oo ku jira Dawladda Puntland ay codad baraha bulshada la isugu direy lagu faafiyey Eedeyn ah in shirkadu arimahaas ku jirto.

Dhibaatada xoogan ee ka taagan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa dad badani kaga faa’ideysteen arimo caadifadeed, kuwaasoo dhibaatadiidu dib ugu soo noqoto uun deegaanka iyo horumarkiisa, ayadoo shirkada Dahabshiil ka mid ah tahay shirkadaha ugu horeeya xaga lacag dirista iyo amaanada, hadana ay ku soo biireen dhanka isgaadhsiinta ayadoo la sheegay in shirkada Somtel ee telefoonadu tahay tan ugu qiimaha Siloon ee guud ahaan deeganada Soomalaiya oo idil.

Dhimayaal waa weyna ku leh deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo weliba kuwa Puntland, dagaalada hada ka soconaya gobolka Sool ayaa ah kuwa ay muuqato inay weli ku qaybsan yihiin dadka reer SSC oo ayagu ka shakisanaa markii hore Puntland oo deegaanka laga qabsaday sanadkii 2007dii, hada lafteeda ayaa dad badan u arkaan in dagaalka Puntland lagu khasbay ka dib markii laga saaray meeshii ugu danbesey ee ay ka joogeen gobolka Sool ee deegaanka Tukaraq oo ahayd halkii ay ka cashuurayeen Sool. Markastoo ay kacaan iska hor’imaadyo colaadeed ayaa lagu ladhaa dad iyo shirkado aan waxba galabsan oo ay ka mid tahay shirkadan Dahabshiil, taasoo keentay hada inuu Ergo ahaan ula soo hadlaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, oo isaguna sheegay in wararkaasu markii horeba ka yimaadeen xubno iyo dad ku sugan dhanka Hargyasa , waxaana jira shirkado kale oo la loolama Dahabshiil kuwaasoo kolkasta isku daya inay magac dilaan.

Horufadhi.com@gmail.com

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63600

Posted by on Jun 18 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...