|

Shacabka Degmadda Dangorayo oo taageeray dagaalka Ciidanka Puntland kula jiraan Soomaliland-Sawiro

Garoowe (Horufadhi News)-Degmadda Dongoroyo ee Gobolka Nugaal waxaa maanta ka qabsoomay banaanbax lagu taageerayo ciidamada Puntland ee ku sugan difaaca Aaga Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana fagaare ku yaala Dongoroyo kula hadlay boqolaal qof oo ka qeybgalaya mudaharaadkan masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmadda Dongoroyo.

Shacabka banaanbaxa samaynayay ayaa sitey calanka Soomaaliya iyo kan maamul Goboleedka Puntland, waxayna ku qeylinayeen ereyo ay ka mi ahaayeen “ Ciidanka Puntland guulaysta” Jabiya Soomaali diidka iyo Ereyo kale.

Sidoo kale banaanbax la mid ah midka maanta ka dhacay degmadda Dongoroyo ee Gobolka Nugaal ayaa ka qabsoomay Caasimadda Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe, halka maalmo ka hor isu soo bax lagu taageerayo ciidamada Puntland uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku horfadhiya deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool xilli labaa maamul ee dariska uu halkaas ku dhexmarey dagaalo culus oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63651

Posted by on Jun 18 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...