|

Dagaal culus oo dhexmaray Soomaalida iyo Oramadda ugu yaraan 40 Qof ayaa ku dhintay-Akhriso

Hargeisa ( Horufadhi News)-Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba jufo oo kasoo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga.Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jiracsaney ee ay Orommadu degto.

Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Warar ayaa sheegaya in ay jiraan dad ka qaxay tuulooyin u dhow halka lagu dagaallamay, ayadoo dadka dagaalladaas ku dhaawacmayna loo kala qaaday Tulli Guuleed iyo Jiracsaney.

Weli labada maamul ee Soomaalida iyo Orommada, iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya kama aysan hadlin dagaalladaas.

Inkastoo ay labada jufo dagaallami jireen tan iyo 1980-meeyadii, misna dadka la socda arrimaha ku saabsan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orommada waxay sheegayaan in uu markan salka ku hayo xiisadda guud ee u dhaxaysa labadaas qabiil.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63321

Posted by on Jun 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...