|

Daawo:- Donald Trump oo Hoggaamiyaha Kuuriyadda waqooyi ku casuumay aqalka cad kadib kulankii-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo Kulan Taariikhi ah ku yeeshay Singapore ayaa la sheegay inay kala saxiixdeen Heshiiska Dukumentigii ugu dambeeyey, kaasi oo lagu tilmaamay mid dhamaystiran oo muhiim ah.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay inay kala saxiixdeen Heshiis qurux badan oo dhamaystiran, balse ma uusan faahfaahin Nuxurka Heshiiskaasi.

Waxa uu xusay in dib loo sheegi doono faahfaahinta Dukumentigaasi

Kim Jong Un waxa uu Kulankii uu Domald Trump la yeeshay ku tilmaamay mid Taariikhi ah, wuxuuna xaqiijiyey inay Donald Trump  isku raaceen inay xiraan Bogga xilligii hore kala gaaray.

Kadib, Heshiiska Dukumentigaasi, waxa uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono Nukliyeer-ka-dhigista Waqooyiga Kuurya(Nuclear disarmament) waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dhisi doono Xiriir aad u Khaas ah  oo uu la yeesho Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu sheegay inay mar kale wada kulmi doonaan dhigiisa Waqooyiga Kuurya iyo inuu ku casuumi doono inuu booqasho ku yimaado Aqalka Cad ee magaalladda Washington.

Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu dhigiisa Waqooyiga Kuurya uu ka bartay inuu yahay Nin Awood iyo Tayo leh (A talent man), isla markaana aad u jecel dalkiisa. waa sida uu hadalka u dhigay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu hadalka Trump u muuqdo mid Beer-laxawsi siyaasadeed oo xilligeeda taagan, oo uu doonayo inuu ku soo xero geliyo Kim Jong Un si uu u oggolaado Qorshaha Nukliyeer-ka-dhigista.

Dhinaca kale, Kulanka Labadaa Hoggaamiye oo ahaa kii ugu horreeeyey waxay iyaga iyo Gacan-yarayaashodoa duhurnimadda maanta ee Xilliga dalka Singapore ku wada qadeeyeen  Hilib feer Lo’eed oo la shiilay, Macmacaan iyo Hilib Doofaar, sida uu qoray Wargeyska Chicago Tribune

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63193

Posted by on Jun 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...