|

Daawo:-Xaruntii ay yaaleen Codadka Doorashadda Dalka Ciraaq oo dab la qabadsiiyey,Warbixinta Horufadhi Media ka diyaarisay-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Xiisad siyaasadeed ayaa ka bilaabatay dalka Ciraaq kadib markii dab xoogan kooxo aan wali la aqoonsan ay qabad siiyeen xaruntii lagu keediyay Sanaadiikhda Doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Dab xoogan ayaa qabsaday xarunta ay yaaleen Sanaadiikhda doorashada oo kutaala degmada al-Rusafa ee caasimada Baqdaad , waxaana inta badan bas belay waraaqihii ay ku codeeyeen dadka Ciraaq eek u jiray Sanaadiikhdaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa dhawaan amray in dib loogu noqdo tirinta codadka doorashadii dhacday, kadib markii qaar kamid ah Xisbiyada doorashada ka qeyb galay cabasho soo gudbiyeen.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al Cabadi ayaa si kulul u cambaareeyay dabkan la qabadsiiyay xaruntii sanaadiikhda doorashada ku keydsaneyn, waxa uuna balan qaaday in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha amni darada iyo khalalaasaha ka shaqeenaya.

Doorashada Baarlamaanka dalka Ciraaq ee dhawaan la qabtay waxaa ku guuleestay Isbaheysiga uu hogaamiyo wadaadka shiicada ah ee Muqatada Al Sadr, waxaana sida ay doorashada u dhacday cabasho ka keenay xisbiyadii laga guuleestay qaarkood.

Gubashada xarunta Keyda Sanaadiikhda ayaa imaaneysa xili Isbuucii hore Baarlamaanka Ciraaq  ansixiyey in dib loogu noqdo tirinta cododka taasi oo dib u dhac ku keenaysa dhismaha dowlada cusub, waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Guddigii doorashada.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=63184

Posted by on Jun 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...