|

Daawo:-Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada SSC oo taageeray Dagaalka Puntland kula jirto Somaliland, kulan Xasaasi ah-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Xildhibaanada ku jira Dawladda Soomaaliya ee kasoo Jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa War murtiyeed kasoo saaray Xiisada ka taagan Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen in Somaliland ay Bulshada Gobolka Sool ku hayso Dhibaato iyo Culays kala duwan, Waxayna sheegeen inaanu Jirin Heshiis dhexmaray Bulshada SSC iyo Somaliland, kaasi oo ku aadan kala Goynta Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda ayaa si buuxda waxaa ay u taageereen Dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee Puntland sheegtay in ay ku xoreynayso guud ahaan Gobalka Sool iyo Deegaanada kale ee Somaliland gacanta ku hayso dhulka SSC.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=62644

Posted by on Jun 4 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo:-Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada SSC oo taageeray Dagaalka Puntland kula jirto Somaliland, kulan Xasaasi ah-Video”

  1. Bismillaah

    Allaah Kariim, xildhibaanadan yey metelaan, ileen reer SSC mey dirsane, waa u dhasheen degaanka, laakiin siyaasiyan, nama metelaan. Magaca SSC, Garowe lagu boobay xuquuqdiisii siyaasadeed. Siyaasada MJ ayay u jooggaan Xamar.

    Fadlan go`aan ha ka qaateen madax dhaqameedka wali u nool dadka iyo degaanka, S/land iyo P/land ha ka baxaan dhulka reer SSC, waxay ugu dagaalamaani waa gef. WBT

    • Duf ku baxa. Goor la kala huleellay bay Puntland u qaylinayaan sida Tukaha – Qaaq Qaaq. Waar aamusa yaan nacasnimaddiina la ogaanne.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...