|

Daawo:-Puntland oo Hanjabaad culus Hawadda u marisay Somaliland kana hadashay Xaaladda G.Sool Sool iyo Shacabka xidhan-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Arrimaha Reer guuraaga Maamulka Puntland Cabdulahi Axmed Xirsi (Timacade) oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu dhibaato joogta ah ku hayo Dadweynaha Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiir Timadace waxaa uu sheegay in wali Mamulka Somaliland Laascaanood ka wadaan Caburin & dhibatayn shacabka Gobolka Sool ” Shacabka Puntland waxaan u shegayaa in Maamulka Hargiza & kooxda argagixisada ah ee Alshabaab oo iskaashanaya ay  wali wadaan dhibataynta shacabka ku dhaqan Gobolka sool“Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirku waxaa uu si adag hadalkiisa u weeraray wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliland ,waxaana uu yiri ” Ina Kaahin waxaan leeyahay Sool umana adan dhalan kama talindoontid,Somali waa kala taqaan cida gaalo maciinsan oga Puntland & Somaliland”Wasiir Tima Cadde.

Magaalada Laascaanood waxaa xabsiga dhexe ku xidhan ilaa hada Dad isugu Jira Haween,Dhalinyaro,Wariyayaal iyo shakhsiyaad kale oo ka mid ah haldoorka Bulshada Gobalka Sool ,waxaana loosoo xidhay,kadib markii ay qabteen isu soo baxyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor jeedaan Somaliland iyo joogi taankeeda Gobalka Sool.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=62628

Posted by on Jun 4 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Puntland oo Hanjabaad culus Hawadda u marisay Somaliland kana hadashay Xaaladda G.Sool Sool iyo Shacabka xidhan-Video”

  1. Mr. Timacadde, Puntland iyo Somalliland si isku mid ayay gaalladda u miciinsaddaan. Labaduba way isla yaqaaniin tuugsiga iyo been abuurka. Haddii hadalku kaa dhabyahay ka soo dhexbax Puntland, si aad wax u tartid Reer SSC. Haddii kale, bakhda Majeerteen ku baray la aamus.

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...
  • Abdi: La yaab malaha. Maamulka Puntland ayaa ku yidhi “Intaas dheh maanta”.
  • Abdi: Waa canaasiirtii reer SSC oo ismagacawday. Reerku meel haw dhaqaajo siyaasaddiisa, ee MUNAAFAQNIMADDA iyo...