|

Deg Deg:-Kooxo Hubaysan oo goordhow Muqdisho ku toogtay Gudoomiyihii Dhalinyaradda-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-War goordhow nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ay dileen  Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Warta Nabadda ee Gobolkan Banaadir, C/weli Ahmed Mohamed.

Dilka ayaa la sheegay inay fuliyeen laba Maleeshiyo oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday Goobta uu dilka ka dhacay.

Rasaasta ugu badan ayaa Guddoomiyaha kaga dhacday qeybaha sare ee jirka, iyadoo aanu naf la gaarin dhulka, sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal xiligaa ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/weli Ahmed Mohamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon Muqdisho, gaar ahaan Degmada Wartanabada, hase ahaatee waxa uu Caawa ku baxay gacanta Maleeshiyaad Hubeysnaa.

Sidoo kale, Maamulka degmada Wartanabada ayaan weli ka hadlin dilkaas, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta dilka uu ka dhacay gaaray.

Dilka C/weli Ahmed Mohamed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ay marti galineyso dilal kala duwan oo lala eeganaayo shaqaalaha Dowlada.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=62418

Posted by on May 31 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...