|

Deg Deg:-Somaliland Maxakamadda Hargeysa oo mar kale xukun adag ku riday Boqor Cusmaan Buur-madow-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News) –Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada  Magaalada Hargeysa ay Saddex sanno oo xabsi ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow).

Boqor Buurmadow ayaa horay Maxkamadu waxa ay ugu ridday Xukun 5 Sano ah balse uu racfaan ka qaatay basle maalmihii lasoo dhaafay ay socotay qaadida dacwada kiiskiisa,ugu dambeyna Maanta lasoo gaba gabeeyey.

Maxkamada rac-faanka ee Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa ogolaatay racfaan uu xukun Shan sano ahaa ay horey ugu riday maxkamada ciqaabta Boqor Cusmaan Aw Maxmuud oo si wayn looga yaqaanay Deegaanada Somaliland isla markaana kamid ahaa dubabka ugu tudh tudha roon ee Somaliland.

Boqorka ayaa waxaa lagu xukumay Shanta sano bishii Abriil ee sanadkaan 2018, gaara ahaan 26-keeda, iyadoona xukunkaas uu dhaliyay Khilaaf masuuliyiinta Somailand dhex-diisa ah, maadaama madaxda ay isku beesha ahaayeen boqorka ay ka gadoodaan.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu dambeyn, Rac-faan uu ka qaatay xukunka lagu riday ayaa waxay maxkamadu ay mar kale ku xukuntay Boqorka saddex sano oo xabsi ah, sida ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Rac-faanka ee maamulka Somaliland.

Boqor Buur-madow ayaa waxaa lagu soo eedeeyay laguna xukumay inuu ka been abuurta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, inuu ka qayb-galay Caleemasaarka Ugaaska Beel-daaje iyo waliba dacaayad ka dhan Somaliland.

Boqor Buur Madow ayaa Maxkamada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex waxa ay ku ridday xukun 3 Sanno ah taas oo meesha ka saareysaa xukunkii hore ee ahaa 5 sanno ahaa.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61617

Posted by on May 20 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.