|

Daawo:-Somaliland oo ku Hanjabtay in Garoowe laga qaxi doono haddii Puntland joojin wayso Dagaalka Tukaraq xiisad culus-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nacnac’’ oo ka mid ah Golaha Wakiilada ee Maamulka Somaaliland, ayaa ku goodiyay in dagaalka ay kula jiraan Puntland uu sabab u noqon doono Barakac ka dhaca magaalada Garoowe.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nacnac’’ oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka dheereynaayo xuduudka hadalka, sidaa aawgeed ay ka shaqeyn doonaan sida dagaalkooda uu ku gaari lahaa magalada Garoowe.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay hadii ay Puntland joojin weyso dagaalka tukaraq ay ka wado in laga qaxi doono magalada Garoowe, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Puntland kama waaban doono waxa ay ku khasban tahay inay joojiso dagaalka haddii ay joojin weydo waxaa laga qixi doonaa Garoowe’’.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan ’Nacnac’’ ayaa sidoo kale Jawaab kulul ka bixiyay haddal maalinimadii shalay kasoo yeeray maamulka Puntland kaa oo ahaa in Somaliland ay taageerto Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in labadaba aysan aqoonin balse ay ka go’an tahay iska difaacida Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Puntland aysan aqoon dagaal Afka ah wax ka badan, taa oo uu ula gol leeyahay inay Somaliland ku tilmaanto taageerida Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, waxaa sii xoogeysanaaya xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul.

Haddalka Xildhibaan ’Nacnac’’ ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi uu shalay sheegay inaanu duulaan ku aheyn magaalada Garoowe isla markaana uu amaan kala dul dhacay Shacabka reer Puntland oo uu ku sheegay kuwo gob ah oo aan ceeb iyo xumaan toona lahayn.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61609

Posted by on May 20 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.