|

Roobab dabeylo xoogan wata oo ka bilowday Puntland, Soomaaliland & Barakac ka socda Deegaanka Baargaal-Warbixin

Dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa lasoo sheegayaa inay isku beddeshay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Khubarada saadaasha hawada ayaa duufaantan ugu magac daray Sagar waxa ayna qeyb ka tahay dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, taa oo ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Wararka aynu ka heleyno Deegaano Xeebeedyada Gobolka Bari ayaa sheegaya in uu ka socdo Barakac ay sameynayaan Dadka Deegaanka.

Deegaanka Baargaal ayaa kamid ah deegaanada maanta dadka ay ka Barakaceen si aanan saameyn ugu yeelan Roobka dabaysha wata ee saan-saantooda iminka laga dareemaayo Koofurta Yemen iyo Waqooyiga Somalia.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Baargaal Saciid Cawil Dhuxul oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka ay la hadleen, isla markaana ay u sheegeen in ay kaliya ka guuraan Goobaha sida gaarka ah loo saadinayo.

Sidoo kalem mas’uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.

Geesta kale, Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Somalia oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u da’ay si ka badan sidii la filayay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61479

Posted by on May 18 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.