|

XOG:-Jeneral Morgan oo kusoo wajahan Deegaanka Tukaraq iyo Saraakiil kale oo gaadhay,wararkii ugu dambeeyay-Akhriso

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa kusii Qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda puntland halkaas oo ay ku Dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halkaasi gaadhay saraakiil ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe Nairobi iyo muqdisho, iyaga oo la kulmay saraakiisha dagaalka hoggaamineysa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanka tukaraq uu gaari doonaan saraakiil uu ka mid yahay Janeraal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha Puntland kaas oo dalka dibadiisa ku maqan.

Janeraalka ayaa waxaa markii uu tago tukaraq uu lakulmi doonaa taliyaha Ciidamada Puntland Janeraal Siciid dheere oo ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay isku-hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Dhinaca kale Musharax Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah Musharixiinta u tar tameysa xilka Madaxweynaha Puntland, ayaa ku biiray howlgalada Ciidamada Puntland ee ku sugan Aaaga Tukaraq.

Musharax Gen Khaliif Ciise Mudan  ayaa Xalay ku hoyday Fadhiisimada Ciidamada Puntland ee aaga Tukaraq, isagoo kulamo la qaadanaya saraakiisha ciidamada kuna biirinaya khibradiisa ciidan.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61476

Posted by on May 18 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: Duqa Caliya doormat samba ahaa ayaa la doorman Yuu dudin hee
  • Hirad: Kkkkk miskiin cali ciise waan ka naxay wuu ooyay
  • Ali yusuf: Wasirka deface ee UK ee somaliland yimid
  • Ali yusuf: Sodigi cadalada waday horufadhi away wssirki deface ee somaliland yimisd
  • Abdi: Tollow, miyayan haween kani rag u tashadda lahayn? Mise rag iyo dumar waa wada qaran jab?