|

Dufaano iyo roobab xooggan oo ku dhuftay Deegaano ka tirsan Puntland iyo Khasaaraha ka dhashay-Akhriso

Faahfaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya khasaarahaka dhashay duufaano wata roobab iyo dabeylo xoogan oo ku dhuftay degaano hoos taga maamulka Puntland.

Duufaantan ayaa saameysay degaano badan, waxaana jira meelo ay ka go’day isgaarsiinta oo aan la ogeyn dhibaatada ay ka geysatay.

Daad xoog leh ayaa la soo sheegayaa inuu la tegay gaadiid marayey wadada u dhexaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, waxaana daadku qaaday gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mid ah labadii kale iyo gaarigii ayaa lala’yahay.

Gaari kale oo isna biyuhu shil ku geliyeen halka loo yaqaano meermeerka oo ku dhow Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Allaha u naxariistee ganacsade Abshir Jaamac Faarax dad kalena waa ku dhaawacmeen.

Waxaa jira gaari kale oo isna la sheegayo in daad kula tegay Toga Ceeldaahir laakiin weli ma jirto faahfaahin laga hayo, isgaarsiinta oo xun awgeed, balse baaritaan ayaa socda.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in hada la amray laamaha amniga iyo baraha kontorool in la hakiyo isu socodka gaadiidka iyo dadka inta ay socdaan roobabka iyo daadadka. .

Waxaa la soo sheegayaa oo kale in dad badan ku xaniban yihiin wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Qardho, dadka iyo gaadiidkooda ayaa dhinacyada ka jooga Togaga Ceeldaahir, Buuraan iyo labo wanley, halkaasi qoloba ay meel biyuhu ku go’doomiyeen.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61466

Posted by on May 18 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.