|

Halis xooggan iyo khataro kusoo wajahan isbuucan Deegaanadda Puntland iyo Somaliland-Akhriso

Duufaan xoogan oo loo bixyey “One” ayaa la sheegay inay 24ka saac illa 48-saac ee soo socda kusoo wajahantahay Soomaaliya, waxaa la sheegay inay kasoo kacayso Badda Hindiya, kadibna ay duufaantu qaraacayso deegaanada Somaliland iyo Puntland weliba dhulka xeebaha ah.

Waxaa la sheegay marka hore in duufaantu ku dhufanayso Puntland 24-saac ee soo socda, kadibna ay u gudbi doonto dhinaca Somaliland.

Xogtan oo ay baahisay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada iyi beeraha ee FAO, waxaa lagu sheegay inay Roobaab mahiigaan ah da’ayaan, oo ay jiri doonto fatahaado ka dhacaya dhulka qaar.

Dadka ayaa la wargeliyey inay taxadaraan madaama ay duufaabtu burburinkarto dhismayaasha jilicsan. Si gaar ah waxaa aad loogu digey dadka ku nool dhulka xeebaha ah.

2013 kii ayeey ahayd markii duufaan u dhufatay Puntland ay khasaare badan u geysatay dadka Kalluumaysatada iyo xoola dhaqatada ah.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61429

Posted by on May 17 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...