|

XOG:-Dowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe xal loogu raadinayo khilaafka imaaraadka kala dhexeeya-Akhriso

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xukuumada Somalia ay bilowday wada-xaajood ay xal ugu raadineyso Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka Carabta.

Wararku waxa ay sheegayaan in wada-hadalka ay bilowday Wasarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo iyadu ku shaqo leh howlaha dibadda ee khuseeya Somalia.

Xiriirka lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka oo markiisa hore ka imaaday dhanka Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay in iminka uu maraayo bilow.

Wada-hadalka ayaa si toosa ugu dhexeeya Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somalia iyo Imaaraadka, waxaana jira warar hordhac ah oo sheegaya in leysku fahmi la’yahay qodobo dhowr ah oo ku-xeeran madax-banaanida Somalia.

Qodobada ay difaacaneyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ah in Somalia looga danbeeyo wixii khuseeya masiirka dalkeeda iyo in la kala qaado caawinaada iyo faragalinta joogtada ah.

Qodobada ay difaacaneyso Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inaanu Imaaraadka gali Karin Heshiis aan soo marin Dowlada Somalia iyo in Dowlada dib loo hoos keeno dhammaan Heshiisyadii uu Imaaraadka la galay Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Somalia ay xal u raadineyso Khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xirneyn Heshiis.

Docda kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka laga doonaayo keliya inay u hogaansamaan wixii ku aadan Maslaxada Qaranka Somalia.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61432

Posted by on May 17 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...