Daawo- Duqa Laascanood ee Puntland oo sheegay inay ka xoreenayaan Somaliland dhulka SSC oo dhan-Video.
Duqa magaalada Laascaanood ee maamulka Puntland Abdiqani Makhtal Maxamed ayaa markii ugu horaysay si weyn u faah faahiyey khasaaraha ay gaadhsiiyeen dhanka kuwa Somaliland, wuxuu sheegay in khasaaro baahsan ay gaadhsiiyeen Somaliland dagaalkii Talaadadii hadana ay diyaar u yihiin mid culus oo ay kaga xoreeyaan deegamada SSC oo dhan.
HALKAN KA DAAWO…
Abdiqani Makhtal wuxuu sheegay in dagaalku uusan joogsan doonin ilaa uu gaadho Gaatama, wuxuuna shacabka Laascaanood u sheegay in laga qaado wuxuu ugu yeedhay cabudhinta saaran.
Maamulada PL iyo Somaliland ayaa hawada isu marinayey hanjaabo waa weyn, balse Abdiqani Makhtal ayaa ah masuulkii ugu horeeyey ee deeganada SSC ka soo jeeda ee ilaa hada warbaahinta la hadla dhanka Puntland.
Horufadhi
Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61411