|

Khasaaraha dagaalkii shalay ee Tukaraq oo kordhay iyo xiisad ka taagan jiida saaka.

Dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay jiida deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhexeeyey maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxa ka soo baxaya faah faahino. Warar shabakada Horufadhi helayso ayaa xaqiijinaya in dhimashadu ay 40 ruux kor u dhaafayso labada dhinacba, ayadoo dadka dhintay ay u badan yihiin ciidamadii dirirtu u dhaxaysay.

Labada ciidan ayaa gaadiid fara badan kala qabsaday, dhanka Puntland waxay shegeen inay qabsadeen afar gaadhi oo gaashaamaan halka ay sheegeen inay gubeen mid kale. Somaliland ayaa sheegtay inay sadex gaadhina qabsatay labana gubtay.

Wararkii ugu danbeeyey

Wararkii ugu danbeeyey saaka ayaa dadka deegaanku sheegayaan in madaafiic la isku ridayo, isla markaana ay u eg tahay is yool baadhis sida ay sheegayaan dadka deegaanka ka ag dhaw.

Dhaawaca labada ciidan ayaa la kala geeyey magaalooyinka Burco iyo Garoowe, abaabulo xoogan iyo gurmadyo ayaa labada dhinacba jiida gaadhsiinayey tan iyo xalay.

Dadkii deegaanka Tukaraq ayaa ka baracay magaalada , waxana aan jirin cid gar gaar gadhsiisay. Ilaa hada waxaan kaloo jirin waan wan labada dhinac laga dhex wado, inkastoo baaq uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo uu ku baaqay joojinta dhiiga qubanaya. Labada ciidan ayaa saaaka isu muuqdo ayadoo qoloba magaalada Tukaraq ka kulaalayso labada Gerjiho ee Bari iyo Galbeed. Xabaduna waxay bilaaban kartaa wakhti kasta.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili maalinimada khamiista ah dunida Islaamku isu diyaarinayso bisha barakaysan ee Ramadaan, Dagaalkan ayaa ahaa kii ugu daraa ee labada dhinac dhexmara tan iyo sanadkii 2004tii dagaalkii duleedka tuulada Adhicadeeye ee Abeesalley.

Waxii ka soo kordha la soco horufadhi

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61380

Posted by on May 16 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Hirad: Kkkkkkl
  • Abdi: Tukaraq soo ma buuxsanto haddii todoba billood ciidan iyo saad labadda dhinac ku soo gurayeen. Waxa wacan in...
  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....