|

Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu wareejiyey Ciidamadii imaaraadku tababari jiray iyo Xeradda Jen. Gordon-Akhriso

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa u fasaxday shirkad gaar loo leeyahay inay la wareegto tababarida iyo dhammaan howlaha lagu qabto dugsiga tababarka Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa bishii la soo dhaafay gebi ahaanba joojiyay howshii tababarka xeradaas, iyagoo wixii qalab milateri iyo tababarayaashooda kala baxay xerada.

Nuqul ka mid ah heshiiska ay Taliska Ciidanka xoogga dalka ay la gaartay shirkad magaceeda la yiraahdo Red Four Security Group Somalia (RSG) oo ay Jowhar.com heshay ayaa shirkadda loogu oggolaaday inay la wareegto dugsiga tababarka Jen. Gordon gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo Lojistikada.

“Waxaan oggolaanay in shirkadda RSG ay la wareegto tababarida, sahay siinta, gaadiidka iyo guud ahaanba maareynta dugsiga tababarka Gen Gordon.”ayaa lagu yiri qoraalka uu ku saxiixnaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Cali Caanood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shirkaddan gaarka loo leeyahay ee qaabilsan arrimaha Amniga ay Madax sare ka yihiin Saraakiil Mareykan calooshood u shaqeystayaal ah oo horay uga tirsanaa Ciidamada Mareykanka.

Ciidamadii uu horay u tababaray Imaaraadka Carabta ee ku jira Xerada Jen. Gordon ayaa wixii hadda ka dambeeya waxaa howshooda la wareegaya shirkaddan Amni ee lagu magacaabo RSG

Halkan hoose ka akhriso nuqulka heshiiska Shirkadda RSG loogu wareejiyay Xerada Jen. Gordon

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61339

Posted by on May 15 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ALLOW kii roon reerka u reeb.
  • Abdi: War beenta iyo beenwaaska ha layska ilaaliyo, waayo dad muslim ah baynu nahay, bil Ramaddaan baynu ku jirna....
  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa