|

Sacuudiga oo casuumay wasiiro Somaliland ah oo uu hal dan ka leeyahay-Akhriso

Wasiirro ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa lagu casuumay Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Somaliland.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu waraaq u soo diray afar ka mid ah wasiirada Maamulka Somaliland, kuwaasi oo la sheegay in iyaga iyo boqortooyada ay ka wadahadli doonaan arrimo la xiriira Maalgashiga.

Sucuudiga ayaa doonaya in uu maalgashado Deegaanada maamulka Somaliland, iyadoo afar kamid ah masuuliyiinta Somaliland loo soo diray warqad casuumad ah si ay dalkaasi uga wada hadlaan arrimaha la xidhiidha maalgashiga.

Shirkad uu leeyahay mid kamid ah dhaxal-sugayaasha boqortooyada Sucuudiga ayaa martiqaad usoo dirtay masuuliyiinta kala ah:Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda, Xasan Maxamed Gaafaadhi, wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga, Maxamed Cali Ismaaciil, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha Debadda ee Wakiillada iyo Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Kulankan ayaa lagaga wada hadli doonnaa maalgashiga khayraadka beeraha iyo xoolaha ee Somaliland.

Qorshahan ayaa waxaa uu qayb ka yahay Hiigsiga 2030 ee Boqortooyada Sacuudiga, oo waxaa aanu rabnaa in aannu dawladaha walaalaha ah ka caawinno horumarka  ayaa lagu yidhi warqaddan.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61366

Posted by on May 15 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.