|

Muuse Biixi”Ragga Saaka nasoo weeraray waxaan u dhigi doonaa cashir lamid ah midkii aabahood Afwayne”-Akhriso

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii Saaka ee deegaanka tukaraq Gobalka Sool ku dhexmaray Ciidamadda Maamulkiisan iyo kuwa Puntlannd.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dalwadda federaalka Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen kuwa Maamulka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

“Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi.

Muuse Biixi waxaa kale uu ku hanjabay in ay cashar u dhigi doonnaan dadka weerarka kusoo qaaday; “Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”

Dagaal saaka aroortii ka bilaabmay Tukaraq ayaa weli ka soconaya  kaasi oo u dhaxeeya labada ciidanka Somaliland iyo Puntland, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in khasaare xooggan uu dhashay dagaalka kaasi oo ah dhimasho iyo dhaawac.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61362

Posted by on May 15 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...