|

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo cadeyey jiritaanka dagaalka jiida Tukaraq.

Dagaal culus oo hiirtii waaberi ka bilowday jiida hore ee ciidamada maamulada PL iyo SL ayaa u eg mid culus, madaxweyne ku xigeenka Puntland Abdixakiim Abdullaahi Camay ayaa cadeeyey jiritaanka dagaalkan, wuxuuna ku tilmaamay mid xoogan oo la doonayo in Somaliland looga saaro deeganada gobolka Sool.

Dadka ku sugan deegaanka Gabadhe ee u dhexeeya Laascaanood iyo Tukaraq ayaa sheegay in ay maqlayaan dhawaqa rasaasta xoogan ee la isweydaarsanayo. Somaliland ayaa Tukraq bishii Janaayo ee sanadkan weerer ku ekaysiisay halkaasoo ay ka saartay ciidanka Puntland.

Abaabulkii xooganaa ayaamihii u danbeeyey soconayey ayaa hada isu bedeley gacan ka hadal. Maamulka Puntland ma aysan cadeyn in ujeedkoodu yahay inay socdaa ilaa Laascaanood iyo inay ku eg yihiin in Tukoraq ay gacantooda soo gashaan.

Dhanka maamulka Somaliland weli kama aysan hadal dagaalka iyo jiritaankiisa midna.

Faah faahinta warrar ka la soco

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61337

Posted by on May 15 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.