|

Faysal Cali Waraabe“Janadda galayaan Ciidamadii maanta ku dhintay Dagaalka Tukaraq,,iyo eedeynta Farmaajo-Akhriso

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Dagaalka Tukaraq waxaa uu shegay in Dagaalkaa ay guul weyn ka gaadheen ciidamadda Somaliland waxaana uu aad ugu Hambaleyey ciidamadii Dagaalka ka qayb qaatay oo uu ku tilmaamay Mujaahidiin iyo Halgamayaal isaga oo sheegay in kuwii dagaalkaas ku dhintayna ay janadda galayaan,,Janadda Galaysaan ,waxaan halkan uga hambelyeynayaa wiilasha maanta lasoo gar daraystay ee iska difaacay waxaan leeyahay Janada galaysaan intii ku dhimatay alle janadda ha ka waraabiyo,,

FaysaL Cali waraabe ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya dusha ka saaray dagaalkii saaka waxaana uu madaxweyne farmaajo ku sheegay in uu waddanka kusoo kordhiyey in uu dalka dagaal dib ugu celiyo,waxaana uu shegay in aysan maanta Dagaal u baahneyn.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa shacabka iyo madaxda Puntland waxaa uu u diray baaq isaga oo sheegay in ay maanta walalo yihiin  isla markaana loo baahan yahay in labadda dhinacba ay nabadda ka wada shaqeeyaan ,waxaana uu sheegay faysal in ay iyagu dad iskugu xigaan maanta isla markaana aan dagaal loo baahneyn isaga oo tacsi u diray dadkii ku dhintay dagaalkii Saaka.

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61376

Posted by on May 15 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...