|

Ciidamadda Maamuladda Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobalka Sool-Warbixin

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka isku dhac kooban ku dhexmaray Howdka Gobolka Sool kaasi mudo kooban socday ayaa la ii sheegay in uu istaagay khasaaraha uu sababayna Waxaana la xaqiijiyey dhaawaca 1-Askari oo dhinaca Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada isku dhacay inay ahaayeen Sahan labada dhinac ah oo iska helay buuraha ka sareeya Tukaraq, Mana ahayn dagaal toos ah oo sii socday in kasta oo hubka laga maqlayey deegaano dhowr ah.

Xiisada Colaaded ee ka Aloosan Gobolka Sool ayaa sii kordhaysay maalihii la soo dhaafay Iyadoo ergayga gaarka ah ee Qaramada midobay u qaabilsan Soomaaliya uu safar xal raadin ah ku tagay Magaalooyinka Garowe iyo Hargaysa .

Dhinaca Puntland Hogaanka ugu sareeya ayaa la sheegay inuu Xiisada Cusub ee Gobolka Sool ka dhigan doono Mashruuc doorashada dib loogu dhigto, Taasi wakhti dheer uu la sugayey inuu ka sameeyo wax ficin ah, maadaama uu doorashada ku galay “Laascaanood Faataxo laguma Qabsan”.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61307

Posted by on May 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...