|

Daawo:-C/weli Gaas“Dowladnimadda waxay maanta kusoo aruurtay Facebook”Shirka Maamulada-Video

 Hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ugu furmay shir ay ugu hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayo iyo arimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa eedeen u soo jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in dowlada aysan diyaar u`aheen in ay meel mariso nidaamka fedraalisimka ee dalka uu qaatay.

Madaxweynaha maamulka Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa weerar ku qaaday hab-dhaqanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanadeeda siyaasadeed.

Isagoo Khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka maamul goboleedyadda ee ka furmay Magaalada Baydhabo ayuu shegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hareer martay qodobo badan oo hore loogu heshiiyay, isla markaana isku koobtay dhaqaalihii dalka.

Madaxweyne Gaas in dowladda Soomaaaliya loogana baahan yahay inay la timaado isbadel dhan walba ah, laakiin aysan ku Mashquulin waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey: “Dowladnimadda waxay maanta kusoo aruurtay Facebook”

Madaxweyne Gaas ayaa ku adkeysatay sheegay in Maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan tallaabooyinka Masiiriga ah ee Dowladda Soomaaliya qaadeyso oo aysan keligeed go’aan iska gaarin, talo-na ay ku leeyihiin sidii dalka loo hoggaamin lahaa.

Wuxuu sheegay in Maamul Goboleedyada ay gacanta ku hayaan 95% dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in waliba ay dowladda federaalka kala tashato, halka dowladda ay joogto oo kaliya magaalada Muqdisho.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gaas ayaa sheegay in la doonaayo in aan dib loogu laaban waxyaabihii laga soo gudbay, islamarkaana maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayso dowladda Soomaaliya.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61311

Posted by on May 14 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.