|

Daawo sawiro: R/Wasaare Khayre oo Guuragal habeenimo ku tagay Taliska xarunta Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare kheyre, ayaa inuu uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay ugu qayb qaadan lahaayeen adkaynta Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa Xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan  nabadgelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugiidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.

HM

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=61156

Posted by on May 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...
  • Abdi: Nin abeeso koriyow adiga u aayiye. Xabashi waa abeeso. Ninkii la dhaqmayow waa yeelkadda.