Daawo:-Maamulka Khaatumo oo ka jawaabay hadal Aflagaado ah oo ka dhan ah Reer Laascaanood-Video
Madaxwayne ku xigeenka Khaatumo Maxamuud Cali Caanonuug ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalo kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Aflagaado Qaawan u gaystay Shacabka Laascaanood.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland ayaa shacabka Laascaanood ku sifeeyay dad Xoolo ah sida uu hadalka u dhigay ” Reer Laascaanood kama duwana xoolaha, maadaama aysan jirin dhaqan wanaagsan iyo diin celisaa. “ Waxayna Taasi keentay in siwayn ay Bulshada deegaanku uga Cadhooto Gefkaasi Qaawan.
Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=60732
Bismillaah
Baafin, maamulkii Khatumo xagee ku danbeeyey. Intii uu Buhodle joogay cawey u ahayd ummadda reer Khatumo. Xagee loo igmaday ma hotel-lada Hargeysa, yey sheegtaan oo madax u yihiin, ma Hargeysa. Waxaan la yaabay war lagu qoray webabka reer Khaatumo, mar sii horeesay, oo la yidhi, maamulku wuxuu wax ka dilaalay DPworld, oo wuxuu u rahman yahay maamulka S/land, wayna rumowday mar haddiiba la waayey, madaxweynihii, ku xigihiisii, wasiiradii iyo golihii shacabka. Gabay aan Youtube-ka ka helay oo la yidhaahdo habar dugaag oo uu tiriyey gabadha yar ee miskiinada ee lagu xad gudbay Naciima Qorane Aabaheed, bay sifaheeda yeelanayaan madaxdii Khaatumo ee shacabku doortay. WBT
https://www.youtube.com/watch?v=NLrzTzvqONw