|

DEG DEG:-Wareegii ugu dambeeyay oo Socda, Labada Musharax ee Hada ku Harmadaya maxaad ka taqaan

Waxaa  bilaabatay Wareega labaad ee doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana wareegan oo ah kii ugu dambeeyay ku tartamaya labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo Ibrahim Isaaq Yarow.

Wareegan oo ah kii ugu dambeeyay doorashada ayaa ah mid adag oo xamaasad gaar ah leh, waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn halka Musharixiintii doorashada ka haray codadkooda ku taageeri doonaan.

Dad badan ayaa rumeesan in doorashada uu kusoo bixi doono Musharax Maxamed Mursal oo inta badan taageera ka heesta Xildhibaanada, waxaana Musharaxan lagu soo waramayaa in uu taageero ka helo Musharax Lafta Gareen oo tanaasulay.

Xarunta golaha Shacabka ayaa si weyn looga dareemayay olalaha uu waday Musharaxa Maxamed Mursal , waxaana daqiiqadihii ugu dabeeyay musharaxan uu kasbaday codadka Xildhibaabno badan.

Musharax Ibraahim Isaaq Yarow ayaa la rumeesan yahay in uu taageero ka helayo inta badan Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada, waxaa sidoo kale la tuhmayaa in Musharaxan taageero ka helayo Imaaraadka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=60667

Posted by on Apr 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...