|

Daawo:-imaaraadka oo ku dhaggan in uu ilaalinayo midnimadda iyo Dal ahaanshaha Soomaaliya,Heshiiska Dekadda Berbera-Video

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeesay Dowlada Qadar in ay ka dambeyso khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka aaminsan yihiin in Qadar gadaal ka riixeyso Khilaafka labada dal.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay in dowlada Qadar ka dambeyso khilaafka xoogan ee xiligan ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Anwar Qarqaash ayaa sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaraaadka uusan u khalmin in heerkaasi gaaro waxyeelana u geesto Walaalinimadooda, waxa uuna xusay in Imaaraadka ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa isweediiyay ilaa xiliga uu sii socon karo khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uuna xusay in dowlada Qadar ka faa’iideesatay khilaafkan gadaalna ka riixeyso.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa mar kale ku celiyay heshiiskii Dekadda Berbera Imaaraadka uu la galay dowlada Federaalka ayna Marqaati ka ahaayeen dowlad goboleedyada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiligan waxaa ka dhax aloosan khilaaf xoogan oo saameyn ku yeeshay xiriirkii soo jireenka ahaa, Imaaraadka ayaana gabi ahaan joojiyay tababaradii iyo taageeradii ay siin jireen ciidanka dowlada.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=60649

Posted by on Apr 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • huruuses: Wuu quudhi waayey inuu dhaho dadka deegaanka iska leh ha loo daayo waa dadka masiibadan ka danbeeya
  • Dhaqane: Wax garad ka reer khaatumo waa ogyahiin waxa madaxweyne hasan u qabtay iyo waxa uu taraaga Somalidu waxay...
  • ahmed: abdi dee masayr ayaa ku haya adeer dalka yaa leh ma idinkaa leh dhulku waa dhul siciid harti leeyahay...
  • ahmed: Abdi/Hirad waxba laydin ka waydiin maayo ssc waayo iidoor ayaad tiheen ama qoliyhii cali khalif ayaad tiheen...
  • Hirad: Kkkkkl Magacyada waa leyska soo qortay kkkk IT era ayaa lagu jiraa i tus oo taabsii Ninkii shalay xasuuqii...