|

Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Shariif Xasan oo isku fahmi la,Qofka noqonaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya-Akhriso

Waxaa lagu wadaa 30-ka bishan in magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana xilkan isku soo sharaxay Xildhibaano badan oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku jira qaar kamid ah Golaha Wasiirada kuwaa oo xilka Wasiirnimo iska casilay, waxaana damac badan uga jiraa in kursiga Gudoomiyaha uu midkastaahi ku guuleesto.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharaxiinta qaarkood ayaa ah kuwa taageero ka helaya dhinacyo kala duwan sida Madaxtooyada Soomaaliya iyo Tan Koonfur Galbeed, halka Musharaxiin kalana ay si iskood ah isugu soo sharaxeen xilkaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qiimeyn ku wada dhoor Musharax ay midkood dooneyso in ay taageerto dhaqaalana ku bixiso sidii uu ugu guuleesan lahaa xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida aan wararka ku helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii hore damacsaneyd in xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka ku taageerto Musharax Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Ilo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Madaxda sare wadatashiyo ay yeesheen kadib isku fahmi waayeen in Mursal kurigan lagu taageero, waxa ayna Madaxda sare hada ka fiirsanayaan musharaxiin kale uu ku jiro Saalim Caliyow Ibrow.

Shariif Xasan Sheekh Aasan Madaxweynaha Koonfur GalbeedĀ  ayaa si weyn u taageersan lana raba kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal, waxa uuna Shariif Xasan Madaxtooyada ku cadaadinayaan in Mursal laga dhigo Gudoomiyaha.

Sida aan Wararka ku helnay Shariif Xasan ayaa Madaxtooyada uga digay Musharaxiinta kale ee wataan , waxa uuna ku cadaadinayaa in Gudoomiyaha Golaha Shacabka laga dhigo Musharax uu wato ee Mursal hadii kale dowlada wada shaqeynteeda uu ka fiirsan doono.

Cadaadiska Shariif Xasan ayaa lagu soo waramayaa in uu saameyn ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana wali socda wadatashiyo ku aadan iyadoona laga yaabo in Madaxtooyada ku taageeraan Shariif Xasan Musharaxan uu jeebka ku wato.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Gudoomiyaha golaha Shacabka aan loo dooran doonin Xildhibaan waxtar leh oo hogaamin kara Golaha Shacabka, balse la dooran doono Shaqsi ay kooxo gaar ah wataan oo dano laga leeyahay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=60355

Posted by on Apr 24 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Shariif Xasan oo isku fahmi la,Qofka noqonaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya-Akhriso”

  1. Waxa danta guud ku jirta in Madaxtooyaddu faraha kala baxdo ninka loo dooranayo “Ra’iisal Baarlamaan”. Haddii waxa loo qaadanaya “Joogteen Maamul Musuqmaasaysan”.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ALLOW kii roon reerka u reeb.
  • Abdi: War beenta iyo beenwaaska ha layska ilaaliyo, waayo dad muslim ah baynu nahay, bil Ramaddaan baynu ku jirna....
  • ali yusuf: imisa Ayaan lahayn putland ma adkaysan kartiin ee jamhuriyada barakaysan ha isku doon doonanina. si fican...
  • Ibrahim X Dh. Adam: scww, maasha allah, maantuun baan is leeyahay taladii waa la helay, in horumar loo jeesto, waddo...
  • Dhaqane: Lama sii daayeene boqor buur madow baa wadada loo banaynayaa