|

Madaxweyne Farmaajo oo goordhow ku laabtay Xafiiskiisii Wasaaradda Gaashaandhiga-Akhriso

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa dib ugu shaqo bilaabay xafiiska uu ku leeyahay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho.

Farmaajo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku shaqeenayay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna kasoo guuray xafiiskii uu ku lahaa Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Madaxweynaha oo ku shaqeenayay Wasaarada Gaashaandhiga ayaa Madaxtooyada ugu soo laabtay sidii u xalin lahaa Khilaafkii ka dhashay Mooshinkii Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ka gudbiyeen Gudoomiyihii is casilay ee Jawaari.

Farmaajo ayaa ku guuleestay xalinta Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosneyd Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxa uuna Madaxweynaha ku qanciyay Jawaari in uu iska casilo xilka.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta dib uga shaqo bilaabay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga si loo dar dar galiyo howlaha ciidanka Milatariga .

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku shaqeynayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga , waxa uuna Madaxweynaha ku guuleestay isbadal lagu sameeyay Hogaanada ciidanka Milatariga iyo isku dhaf ciidanka Xooga lagu sameenayay.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=60055

Posted by on Apr 17 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...