|

Daawo Wareysi:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo beeniyey in la boobay Xeradii Imaaraadka ee Muqdisho-Video

Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta oo ahaa in bililaqo iyo boob ay ka dhacday xarunta Tababarka Jen. Gordon oo ay maamulayeen Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka raratay dhamaan agabkii iyo qalabkii Tababar ee xeradaas u yaallay, kaddib markii ay go’aansadeen inay joojiyaan howshii tababarka iyo taageerada Ciidamada.

Taliyaha Hoggaanka Siyaasadda iyo Wacyigelinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/xamuud Sheekh Cali Xaydar ayaa sheegay in wararka ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho uu yahay mid aan waxba ka jirin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Wax iska hor imaad ah iyo boob ka dhacay xerada ma jirto, Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta xerada booqday, Tababarayaashii iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka ayaa hada ku sugan xerada”ayuu yiri.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay la wareegtay Mas’uuliyadda dhamaan Ciidamadii ay tababareen Imaaraadka Carabta, wixii hada ka dambeeyana ay bixin doonaan mushaaraadkooda

Imaaraadka Carabta ayaa maanta joojiyay howlihii Labo Isbitaal iyo Xeradii Ciidamada ay ku tababarayeen, halkaasoo ay ka saareen dhamaan Tababarayaashooda.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=60004

Posted by on Apr 17 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Duul Allaw, maxaa ka khuseeya Sacuudi, oo adduunkii muslim iyo muslim ma ahe laga yaabay...
  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...