|

Daawo:-Cabdiwali Gaas“Lacagtii lagu qabtay Muqdisho, 3.6 milyan waxaa loogu tala galay Ciidamada Puntland”-Video

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii 8-dii bishan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah loogu tala galay Ciidamada Puntland.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in markii lacagtaas la qabtay uu la xiriiray Safiirka Imaaraadka Carabta, isla markaana u xaqiijiyay in qeyb ka mid ah oo gaareysay 3.6 milyan loogu tala galay Ciidamada Puntland ee ay tababareen Imaaraadka Carabta.

“Waxaa la xiriiray Safiirka Imaaraadka Carabta, wuxuu ii sheegay in lacagta 9.6 milyan ee lagu qabtay Muqdisho in 3.6 milyan loogu tala galay ciidanka Puntland, saas ayay noogu caddeeyeen”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxda dowladda ay la wadaageen macluumaadkaas, ayna kala hadleen sida uu yiri.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in aanu ka war heyn wada hadal u bilowday dowladda Soomaaliya, balse hadii ay jirto ay tahay arrin loo baahan yahay in khilaafaadka la dhameeyo, buuqa la yareeyo, isla markaana la tixgeliyo saaxibtinimada sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Imaaraadka Carabta dib ugu celineyso lacagtii 9.6 ee 8-dii bishan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana qabashada lacagtan ay keentay inuu mugdi soo kala dhex galo xiriirka labada dal, isla markaana Imaaraadka Carabta uu cambaareeyo tallaabadaas.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=59994

Posted by on Apr 17 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Abdi waa dadka aan xalaasha iyo xaaranta kala aqoon oo ku qaraabta magaca soomaaliyeed 30 sano ayaad xaaraan...
  • Abdi: Waxa danta guud ku jirta in Madaxtooyaddu faraha kala baxdo ninka loo dooranayo “Ra’iisal...
  • ahmed: Ahmed danaha soomaaliyeed xmer maiyagaa gartay oo puntland ayaa garanwayday dib uGu noqo taarikhada soomalida...
  • Abdi: Cabdiweli waa xaaraan quud ka maarmay danaha Soomaaliyeed. Waxa ku filaaday dhaqaalaha uu ku urursaday magaca...
  • ahmed: Horfadhi ha nooga dhigin reer xamer in iyagu kaligood soomali yiheen adiga oo ah reer sool bal ii sheeg waxa...