|

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay khilaafka xoogan ee kala dhaxeeya imaaraadka carabta,war saxaafadeedka-Video

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir xooggan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jiray qarniyo, iyadoo Madaxda Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa afka English-ka in Soomaaliya horumar weyn ku sameystay siyaasadda iyo dhaqaalaha, si dib loo dhiso hey’adaheeda, isla markaana Soomaaliya ay rajeyneyso in Imaaraadka Carabta ay gacan ka geysato dadaaladaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War saxaafadeedka ayaa lagu soo hadal qaaday arrimihii dhacay 8-dii bishan iyo mad madowgii ka dhashay, kaddib markii diyaarad ay laheyd Imaaraadka Carabta lagu xayiray garoonka Muqdisho, iyadoo Imaaraadka Carabta ay cadeysay halka ay u socotay lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay in lacagtii Imaaraadka Carabta dib loo celinayo, isla markaana xal loo helo is faham waaga.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu Bilowday Wadahadal Toos ah oo u dhexeeya Dawladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=59982

Posted by on Apr 16 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay khilaafka xoogan ee kala dhaxeeya imaaraadka carabta,war saxaafadeedka-Video”

  1. Bismillaah

    Somalidu waxay tidhaahdaa ” Nin soori qaaday waa nin seefi qaaday”, ” Nin Hamraday reer ma hogaamiyo”, Dawladan uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo, ma waxa Somaliyi ka sugaysay mise siday hadda u socoto, waxay Somaliyi ka sugaysay karaamo iyo sharaf iyo in waxa dalka ku jira la soo saaro, laakiin waxa maskaxda u fadhiya duul ku ababay tuugsi iyo hoog, oo godkay ku sii socoto ku ridaya. Sacuudi iyo Emirates-ku Somali way u badheedheen, may xidhiidhka u goyso…oo hantida dalka soo saarto. WBT

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Abdi waa dadka aan xalaasha iyo xaaranta kala aqoon oo ku qaraabta magaca soomaaliyeed 30 sano ayaad xaaraan...
  • Abdi: Waxa danta guud ku jirta in Madaxtooyaddu faraha kala baxdo ninka loo dooranayo “Ra’iisal...
  • ahmed: Ahmed danaha soomaaliyeed xmer maiyagaa gartay oo puntland ayaa garanwayday dib uGu noqo taarikhada soomalida...
  • Abdi: Cabdiweli waa xaaraan quud ka maarmay danaha Soomaaliyeed. Waxa ku filaaday dhaqaalaha uu ku urursaday magaca...
  • ahmed: Horfadhi ha nooga dhigin reer xamer in iyagu kaligood soomali yiheen adiga oo ah reer sool bal ii sheeg waxa...