|

Daawo:-Nuxurka Khudbad uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta oo maanta furmay-Video

Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inuu goor dhow Shirweynahoodii 29-aad uga furmo magaalladda Dhahraan ee Bariga Scauudiga.

Kulankaasi oo looga hadlayo Xiisadaha ka taagan dalalka Carabta, Khatarta Iiraan iyo Qotshaha Maraykanka uu Safaaradda ugu soo rarayo magaalladda Quddus-ra la-haysto.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kulankaasi ka jeediyo Khubad uu kaga hadlayo Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia iyo Aragtida DFS ee Xiisadaha ka aloosan Dunida Carabta,

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxaa la filayaa inuu Kulamo kala-gaar ah la yeesho qaar ka mid ah Madaxda Carbeed oo uu kala hadlayo Xoojinta Xiriirka dalalkaasi iyo sidii ay dalalkaasi taageero buuxda uga geysan lahaayeen dadaalka loogu jiro Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo waa markii 2-aad ee uu ka qeyb galo Shirarka Madaxda Carabta tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay xilkaasi sannadkii hore.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=59932

Posted by on Apr 15 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...