|

Daawo:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay warqad uu ku fasaxay Lacagtii imaaraadku soo galiyey Muqdisho iyo sida wax u dhaceen-Video

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa markii u horeysay ka hadlay lacagtii Imaaraadka Carabta ee Axadii la soo dhaafay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu Taliye Gorod ku sheegay in markii hore ay Imaaraadka Carabta ka dalbadeen inuu u qoro warqad fasax ah lacag ay kala soo dagayaan garoonka Muqdisho, taasoo ah lacag loogu tala galay ciidanka.

“Warqadaas waa jirtaa, iyaga i weydiiyay lacag Boosaaso uga soo degeyso ama taalo inaan u qoro warqad fasax ah inay garoonka ka soo degto, waxaa ku qiyaaseynay in lacagtaas aanay badneyn, anaga ma aanan ogeyn cadadka lacagtaas”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka.

Jen. C/weli Gorod ayaa sheegay in Taliyeyaashii horay u soo maray ciidanka xoogga dalka ay sidan oo kale warqado fasax u qori kireen, isla markaana dhowr jeer ay Imaaraadka carabta lacago kala soo dageen garoonka.

Waxaa uu sheegay in lacagta uu qoray subaxnimadii Arbacadii, markii Sarkaal ka tirsan Imaaraadka Carabta uu ka dalbaday, balse markii lacagta timid oo lagu qabtay garoonka la isku qabtay in la baaro, si loo ogaado cadadka lacagta, isla markaana ay iyaga diideen in la ogaado lacagtaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jirtay warqad horay u qoray Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, balse ay baaqatay.

“Lacagaha horay waa u imaan jireen, laakiin waa markii u horeysay ee aniga i weydiistaan in aan warqada fasaxa u qoro, laakiin waxaa laga yaabaa in markii hore la baari jirin, waxa loo baaray ma aqaan, hadii markii hore ay sheegi jireen iyo waxa ay hada u diideen ma aqaan”ayuu yiri Jen. Gorod.

Mar la weydiiyay inuu Madaxda dowladda la wadaagay warqadii laga dalbaday ee fasaxa lacagtaas ayuu sheegay in arrin ciidan ay aheyd, oo aanu la wadaagin, isla markaana lacagta aheyd mid loogu tala galay ciidan ku xareysan xero oo ay mushaarkooda bixiyaan.

Taliye Gorod ayaa la sheegay in la baari doono lacagtaas, waxa laga yeelayo ay u taalo dowladda.

Horufadhi News

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=59816

Posted by on Apr 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Hirad: Kkkkkkl
  • Abdi: Tukaraq soo ma buuxsanto haddii todoba billood ciidan iyo saad labadda dhinac ku soo gurayeen. Waxa wacan in...
  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....