|

Odayaasha Guurtida Khaatumo oo ka hadlay Dilkii ka dhacay Laascaanood-Akhriso

Golaha sare ee G-11 Iyo Golaha sare Guurtida Khaatumo Waxay Tacsi u dirayaan Qoyska iyo Ehelada Alle ha naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Timir Oo dhawaantan Dabley hubeysani ku dileen magaalada Laascaanood.

Hadaba waxaan ilaahey uga baryayaa inuu naxariistii Jano eebe ka waraabiyo marxuum maxamed cabdi timir eheladii asxaabtii awlaadii iyo umada reer SSC uu ka geeriyoodey na samir iyo iimaan eebe ka siiyo marxuumkana janadii fardowsa aheyd eebe ka waraabiyo .

Waxaanu Bulshada deegaanka ugu baaqaynaa inay la yimaadaan Qorsheyaal cad-cad oo looga hortago Dhagar-qabayaasha Banaystay inay ugaadhsadaan Haldoorka Bulshada.

Wabilaati Towfiiq || Golaha G11 ee Reer khaatumo

 

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=59778

Posted by on Apr 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Odayaasha Guurtida Khaatumo oo ka hadlay Dilkii ka dhacay Laascaanood-Akhriso”

  1. Iska hadlow ina Igare. Maxay tacsiyi tarasaa qoom loo tashaday dal iyo dibad, nacab iyo xigaal ba si u wada ximinayaan, una lugoonayaan. Dadkii cid ugu xigay ayaan u ogolayn in ay noolaadaan. Dad kii dhulka lahaa ayaa la kala jira cadawga laynaya ee hortaagan.

    Shallayto waxaan daawaday Jaamac Garaad Ismaaciil oo Hargeisa caacka leh, lana hadlaya Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi. Waar laba nin waxay u hawlan yihiin in idin dilaan oo idin baabi’iyaan. Waxay ku tarayaan ma jiro. Waa kuwa dadkaaga laynaya, haddaad wax garanayso. Haddaad dad dhiigooda iyo noloshooda iibsatay, xagaad ku isticmaallaysa waxaad ka hesho?

    Waxa la daawaday kal hore Garaad Salebaan Garaad Maxamed oo Garowe dhex gurguuranay isgoo dhahaya, “Aniga niman Majeerteen ah aya lacag ii siiyey. Noloshayda inta ka hadhadhy reer Puntland baan ahaanayaa”. Duf ku bax. Lacagta lagu siinaya waa SUN iyo WAABAYO lagu laynayo dadka aad garaadka u tahay haddeer. Marka haldoorka la dhammeeyo, yaad GARAAD U NOQONAYSA, ma dugaaga?

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed: Abdi waa dadka aan xalaasha iyo xaaranta kala aqoon oo ku qaraabta magaca soomaaliyeed 30 sano ayaad xaaraan...
  • Abdi: Waxa danta guud ku jirta in Madaxtooyaddu faraha kala baxdo ninka loo dooranayo “Ra’iisal...
  • ahmed: Ahmed danaha soomaaliyeed xmer maiyagaa gartay oo puntland ayaa garanwayday dib uGu noqo taarikhada soomalida...
  • Abdi: Cabdiweli waa xaaraan quud ka maarmay danaha Soomaaliyeed. Waxa ku filaaday dhaqaalaha uu ku urursaday magaca...
  • ahmed: Horfadhi ha nooga dhigin reer xamer in iyagu kaligood soomali yiheen adiga oo ah reer sool bal ii sheeg waxa...