|

Gudoonka Barlamaanka oo ku Eedeeyeey M/Weyne Farmaajo inuu xilkiisii Gabay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo goor dhow qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayay xaalada amniga ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciidamo uu og yahay Madaxweynaha ay la wareegeen Xarunta.

Mahad Cawad ayaa Madaxweynaha ugu eedeeyay inuu gabay ilaalinta xilkii ka saarnaa mabaa’diida aas aasiga ee dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

War saxaafadeedka oo qodobo adag ku qornaa ayaa markan waxaa uu xafiiska Guddoomiye Jawaari si toos Madaxweynaha loogu soo qaaday in dhinaca uu jiro khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka:-

Short URL: http://horufadhimedia.com/?p=59142

Posted by on Mar 30 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: Duqa Caliya doormat samba ahaa ayaa la doorman Yuu dudin hee
  • Hirad: Kkkkk miskiin cali ciise waan ka naxay wuu ooyay
  • Ali yusuf: Wasirka deface ee UK ee somaliland yimid
  • Ali yusuf: Sodigi cadalada waday horufadhi away wssirki deface ee somaliland yimisd
  • Abdi: Tollow, miyayan haween kani rag u tashadda lahayn? Mise rag iyo dumar waa wada qaran jab?